Saturday, May 17, 2025

3 Qodob oo laga bartay Qaraxii soo afjaray Socdaalkii Ra’iisal wasaare Rooble ee Galmudug (Faaqidaad)

Safarkii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku tegay maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa kusoo idlaaday qarax is-miidaamin oo dhiiga badan ku daatay, qasaare badanna dhahliyey ayna ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo badan.

Qaraxa oo ay sheegatay Alshabaab waxaa fuliyey ruux is-miidaamiye ahaa oo beegsaday goob lagu baarayey dadka gelaya Garoonka Ciyaaraha C/llaahi Ciise ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo, halkaasoo la filayay inuu daqiiqado kadib gaarao, laguna soo dhoweeyo Ra’iisal wasaaraha.

Waxaa qaraxani lagu waayey saraakiil sare oo muhiim u ahaa ciidamada ka howlgala Galmudug ee dagaalka kula jira Alshabaab, sida Taliyihii qeybta 21-aad iyo Taliyihii ciidamada Danab ee degaankaasi; kuwaasoo shaqadooda laga dhigay ilaalada isu soo baxyada siyaasadeed ee aan macnaha lahayn iyo is-muujinta madaxda Soomaaliya oo waxqabadkooda ugu weyn ka dhigay in soo dhoweyn iyo xaflado joogto loo sameeyo.

Ad

Qaraxa Alshabaab ku beegsatay socdaalkii Ra’iisal wasaare Rooble ee magaalada Gaalkacyo waxaa laga baran karaa saddex arrin oo ay tahay in wax laga waantoobo mustaqbalka:

1- In madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ay waxqabad ka dhigteen safarro macno-darro ah, xaflado tirada badan oo magacyo kala duwan leh sida: Soo dhoweyn, Sagootin caleemo-saar iwm oo kharash badan iyo dadaal Amni ku baxayo xilli dalku ku jiro qalalaase siyaasadeed, la iskana ilaabay Alshabaab.

2- In ciidamada dalka aysan heysan hoggaankii ay mudnaayeen, laguna mashquulinayo shaqo aysan lahayn oo ah soo dhoweyn Madax dalxiis ku jirta iyo ilaalinta isu soo baxyo siyaasiyiintu doonayeen inay waxqabad ka dhigtaan, iskuna muujiyaan.

- Advertisement -

3- In si weyn looga gaabiyey sugidda Amniga iyo feejignaanta, iyadoo mar waliba la isu soo bixiyo dadweyne fara badan oo aan Amnigooda la difaaci karin, waxna laga baran qaraxyada iyo dhagarta ay maleegto Alshabaab oo kaliya madax iyo shacab lagu midoobay tacsi iyo cambaareyn.

Qalalaasaha siyaasadeed iyo waxqabad la’aanta waxay muddo dheer ahaayeen tilmaamaha madaxda isaga danbeysay talada dalka oo ay ugu danbeeyaan kuwa hadda xilka haya ee waqtigoodu sii dhammaanayo, waxaana hadda kusoo kordhay dhaqan siyaasadeed cusub oo ah in lagu mashquulo xaflado aan dhammaad lahay iyo dalxiis siyaasadeed.

FAAQIDAAD GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON