Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe Soomaaliya.
Magacaabiddan oo ay soo jeedisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa kala ah: Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim (Qaloocow), Faysal Cabdulaahi Warsame iyo Maxamed Xasan Cumar.
Xubnahan ka mid noqonaya Guddiga Bankiga Dhexe maamula ayaa magacaabistoodu timid, kadib warar soo baxay oo sheegayay inay Bankiga iska casileen 3 xubnood oo ka mida guddigiisa.
Dhinaca kale Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060-ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi howleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga mira dhaliyo hiigsiga 2060.
Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.