Wednesday, February 12, 2025

Madaxweynayaasha Soomaalida oo ka tacsiyadeeyay Soomaalidii ku le’atay Badda Dhexe

Madaxda Soomaalida ayaa tacsiyo isku mid ah u diray Soomaalidii faraha badneyd ee ku geeriyootay Badda Dhexe ee u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga xilli ay ku jireen tahriib ay ku doonayeen inay ku galaan Yurub.

TACSIDA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi diisa ku yiri: .

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajiicuun. Waa geeri xanuun badan oo ina wada taabatey. Dhalinyaradaasi waxay ka baxeen Soomaaliya oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shilkan naxdinta badan uu muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta la xiriirta ka hortagga tahriibka iyo safarada khatarta ah.

Madaxweynaha Ilaahay uga baryey marxuumiinta dhimatey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoysaskii iyo eheladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo –Aaamiin.


TACSIDA MADAXWEYNAHA SOMALILAND

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (SIilaanyo) ayaa tacsi u diray Guud ahaan Soomaaliyeed siiba kuwa Somaliland, dhacdadii xanuunka badnayd ee ka dhacday Badda dhexe oo ay ku dhinteen Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

“Waxanu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey, kuna halaagmay masiibadaa, gaar ahaan inta soomaalida ah, siiba inta u dhalatay Somaliland ee uu xilka gaarka ahi innaga saaran yahay.” ayuu yiri Madaxweyne Silaanyo

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay inay dhacdadani soo dedejinayso wadatashi Qaran oo dhawaan laga yeelan doono aafada tahriibka iyo sidii loo joojin lahaa.


TACSIDA MADAXWEYNAHA PUNTLAND

TACSI-GAAS

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON