Tababar ku saabsan Sharciyada Canshuurta iyo Qaadisteeda ayaa maanta loo furay 200 askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiir ku xigeenka Cabdulahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa goobjoog ka ahaa furitaanka tababarkaasi. Taliye ku xigeenka Ciidamda Booliska Gen. Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Taliska Booliska uu waqti badan galiyeen xulida ciidamadan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyada ay ku dadaaleyso dhammeystirka waxyaabaha muhiimka u ah gudashada waajibaadka Ciidanka ilaalada canshuuraha, iyadoo dhisi doona dhismaha xarunta dhexe ee tababarada ciidamada.