Tuesday, May 21, 2024

2 Sano kadib Doorashadii Farmaajo waxaa London lagu xaraashayaa Shidaalka Somalia [Qormo Xasaasi ah]

-

- Advertisement -

Waxaa lagu wadaa in bisha 08 Febraayo oo ku aadan labo sano ka dib maalintii la doortay Madaxweyne Farmaajo la qabto xaraash lagu suuqgaynayo xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teedsan dhul ku fadhiya 173,000 km.

Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

Xaraashka (auction) ayaa dhacaya iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05/06/2018 Magaalada Baydhabo ku gareen dawlad federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska oo loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya in

1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin.

- Advertisement -

2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin.

3- In dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin

4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya. Waxay masuul ka tahay sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
Lama dhisin.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda.

W/Q: C/raxmaan C/shakuur

- Advertisement -

Akhriso: Warkan oo Ingiriis ah

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Booliska Muqdisho oo xiray Nin Bannaanbax Beeleed uga hanjabay Dowladda Somaliya

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay xabsiga dhigeen Nin dhallinyarro ah oo ka qeyb galay bannaanbax looga horjeeday xukunkii dilka ahaa ee...

Geerida Madaxweynihii dalka Iran iyo Wafdigii la socday oo si rasmi ah loogu dhawaaqay

Dowladda Iran ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Geerida Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Riaisi, Wasiirkii arrimaha dibadda iyo mas'uuliyiin sare oo ku dhintay markii...

Madaxweynihii Iran iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda oo ku geeriyooday Shil Diyaaradeed

Waxaa goor dhoweyd dalka Iran laga shaaciyay in Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Riaisi iyo mas'uuliyiin sare oo ka socday ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo...

Madaxweynihii dalka Iran oo laga raadinayo Gobol Buuraley ah oo Diyaarad kula degtay

Waxaa dalka Iran ka socda raadinta Madaxweynihii dalka Iran Ebrahim Raisi iyo wasiiro ka tirsan dowladiisa oo diyaaradii ay la socdeen ee nooca Helikobtarka...

Jen. Xasan Jaamici oo Muqdisho lagu Qarxiyay iyo Wararkii gu danbeeyay xaaladiisa

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax miino lala beegsaday Gen. Xassan Maxamed Jaamici oo ka mida taliyeyaasha ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya.Qaraxa...

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo Laba Qodob uga Digay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyneyaashii hore ee Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo hadda isbaheysi siyaasadeed leh ayaa digniin culus u diray Madaxweyne Xasan Sheekh,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 4 Bilood Gudahood Socdaalkii Afraad ku jooga Dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaailiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Madaxtooyada Nairobi ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya William Ruto.Socdaalkan...

XOGAHA QARSOON

Dowladda Somaliya miyey ka laabatay go’aankii xeritaanka Xafiiska UNSOM..? (Nuxurka Qoraalka Cusub)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal cusub u dirtay Golaha Amniga Qaramada Midoobay, waxayna mar kale ku celisay sida ay u rabto...

Sida loo khaarijiyay G/Dhexe Aadan Biid, Cidda ka dambeysay iyo Siyaasiyiin ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal Dil khaarijin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay Gaashaanle Dhexe Aadan Cumar Ahmed (Aadan...

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho.Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab.Qoraalka Wasaaradda ayaa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you