Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan dalka Itoobiya ka tegay calanka Soomaaliya oo qaatay calanka maamulkiisa Puntland, waxaana la arkayay calanka Itoobiya iyo kan Puntland oo is barbar yaala goobo uu booqday  C/weli Gaas oo isugu jira  shirkado iyo kaabayaal dhaqaale oo Itoobiya leedahay.
Arrinta la yaabka leh ee meesha ka muuqata waa in Puntland  u dhaqantay sida dowlad ka madax bannaan Soomaaliya iyadoo Itoobiyana ay u sahashay rabitaankaasi, taasoo fadeexad ku ah shaqsiyadda Madaxweyne Gaas oo noqdey Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Waxaa laga yaabaa wafdiga Puntland ee Itoobiya ku sugan inay sharaf u arkaan arrintan halista ku ah qaranimada Soomaaliya oo soo baxday xilli ay C/weli Gaas hore u sheegay inay furan tahay inay Soomaaliya ka go’aan…!!
HOOS KA DAAWO SAWIRRO AY SOO DIRAY MADAXTOOYADA PUNTLAND
Goobjooge.com