Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeelgaara u joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Hargeysa kadib warqad ka soo baxdey xafiiska Agaasimaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow oo lagu caddeeyay in  Dowladda Federaalku si ku-meelgaar ah u joonineyso dhamaan duulimaadyadii u dhexeeyey Muqdisho iyo Hargeysa.
Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siinayaa shirkadaha Duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku joojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22/02/2016.
Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Konfureed ee Soomaaliya ku amartey in ay qaataan Visa ama oggolaansho si ay ugu noolaadaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).
HOOS KA AKHRI QORAALKA
Goobjooge.com