Monday, February 17, 2025

AKHRISO: War-murtiyeedka qaabka loo qeybiyay labada aqal ee Barlamanka dowladda cusub

War-murtiyeed Caawa laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa lagu shaaciyay qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa dhamaadka Sannadkan 2016-ka oo kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga.

Qodobbada  War-murtiyeedka waxaa ka mida inaysan jirin wax muddo kordhin loo sameynayo Hay’adaha Dowladda  hadda jirta oo waqtigooda dastuuriga ku eg-yahay dhammaadka Sannadkan.

 Go’aannada lagu gaary shirkii Wada-tashiga waxa kamida:

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:

Ad

 1.  Tirada kuraasta Baarlamanka Hoose ee dalka waa 275-kursi.  Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu soo xulayaa qaabka 4.5.
2. Haweenka ka mid noqonaya Baarlamaanka Hoose waa inay qnodaan 30%.
3. Codeynta iyo tirinta codadka waxay ka dhacayaan meel dhammaan Xarumaha Maamul-goboleedyada dalka oo ay ku jirto Somaliland.

BAARLAMAANKA SARE EE DALKA;

1. Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa la dhisi doonaa inta aan la dhisin aqalka Hoose ee baarlamaanka.
2. Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka, Waxay ka koobaan doonaan 54-xubnood.
3. 48-xubnood oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka si Simman ayaa loogu qeybinayaa Dhamaan Maamullada Wadanka ka jira, sida Galmudug, Puntland, Jubbaland, Hiiraan/Shabeelllada Dhexe, Koonfur-galbeed iyo Somaliland.
4. Lixda xubnood ee soo haray waxaa si siman loogu qaybinayaa Puntland iyo Somaliland. Taasoo sabab looga dhigay inta ay dhisanaayeen iyo deegaannadooda oo fara badan.
5. Ugu yaraan 30% kuraaska Aqalka sare ee Baarlamaanka  waxaa loo qoondeeyay haweenka.
6. Xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka waxaa laga soo dooranayaa dhamaan deegaanada maamulada federaalka ah ee dalka ka jira.

- Advertisement -

WAR-MURTIYEEDKA OO AF INGIRIIS AH HALKAN KA AKHRISO

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON