Wararkii ugu danbeeyay shirka Madasha Qaran ee Muqdisho ayaa sheegaya in go’aan lagu gaaray qaabka doorashada Soomaliya ee 2016, iyadoo la go’aamiyey qaabka doorashada.
Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke oo shirka guddoominayayayaa ku dhawaaqay go’aanada lagu gaaray shirkii Madasha oo kala ah:
- Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa lagu soo xulayaa 4.5
- Aqalka sare  lagu saleenayaa maamul goboleedyada iyadoo Puntland iyo Somaliland la siinayo sadex xubnood oo dheeraad ah.
Go’aankan la gaaray wuxuu ka dabeeyay dadaal uu waday wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheale Keating, waxaana ay go’aanadani ahaayeen isla kuwii madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay furitaankii shirka.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ku dhawaaqay heshiiska lagu gaaray qaabka doorashada ee 2016, waxaana goobta ku sugnaa madaxda dowladda federaalka iyo Madaxda Maamulada Galmudug, Koonfur-galbeed, iyo Jubaland.
Maamulka Puntland ayaa shaacisay inay diideen go’aankaasi, isla markaana aysan ogolaan. Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay meel marinayso go’aankan oo  laga saxiixay madaxda Soomaalida, waxaana fulinta heshiiska damaanad qaadeysa beesha caalamka.
Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi warsame ayaa laga soo xigtay in heshiiskaasi aanay ka mid ahayn Puntland oo ay diidan tahay, isla markaana bannaanka ka taagan tahay.
Lama oga sida Puntland ay uga hor imaan karto go’aanadan oo beesha caalamka wadato, waxaase weli socda kulamo lagu doonayo in Puntland looga saxiixo.
Goobjooge.com