Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ka furay shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaasoo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku  sanadkan 2016-ka.
Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, waxaa ka soo qeybgaley:
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke,
Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas
Madaxweynaha Koonfuur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam
iyo Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Waxaa kaloo shirka ka qeyb galaya Wakiilada beesha caalamka sida Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia Micheal Keating, safiirka Imaaraadka Carabta iyo xubno kale.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.
Beesha Caalamka ayaa dhowaan ka dalbatay madaxda  Soomaalida inay gaaraan go’aan rasmi ah ka hor shirka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 28 bishan dhici doona