Friday, March 28, 2025

Imaaraadka Carabta: Ciidamadeena miyay noo tababarayaan mise iyagaa tababaranaya…? (FAALLO)

Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ka mid tahay dowladaha qaniga ah ee Khaliijka, waxayna saaxiib dhow la tahay Mareykanka oo milateri  ahaan difaaca, kuna leh dalkeeda saldhigyo milateri, iyadoo qeyb ka ah isbaheysi Mareykanku hogaamiyo la dagaaamaya Daacish.

Imaaraadka waxay muddooyinkan danbe si weyn uga dhex muuqataa arimaha Soomaaliya iyadoo mashaariic kala duwan iyo joogitaan aan caadi ahayn ku leh dhammaan gobolada iyo maamulada dalka. Dowladda federaalka iyo maamulada kale waxay ka taageertaa dhinacyo kala duwan, waxaana si mug leh xilliyadii danbe u soo shaac baxay doorkeeda milateriga.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya doorka Imaaraadka Carabta kadib markii taageero milateri siiyay maamulada dalka intooda badan, waxay kaloo Muqdish ka dhistay xero milateri oo lagu tababarro ciidamada dalka, waxaana ugu danbeyay 300 askari oo shalay tababar loogu soo xiray  dugsiga ciidamada ee Muqdisho.

Ad

Warar badan ayaa laga faafiyay rabitaanka Imaaraadka  oo ah in ciidamada uu Muqdisho ku tababarayo ay yihiin kuwo hoostaga isaga oo uu doonayo inay ka dagaalamaan dalka Yeman iyo warar kale. Inkastoo  wararka noocaasi ah aan caddeyn loo heynin, haddana waxaa shaki badan ku  wareegsan yahay ciidamada ay Imaaraadka tababarayaan iyo halka ay ku danbeyn doonaan.

Safiirka Imaaraadka wuxuu Soomaaliya ku leeyahay awood aan hore loo arag, wuxuu isaga gooshaa min Hargeysa ilaa Kismaayo, wuxuuna leeyahay amar aanay lahayn wasiirada dowladda Federaalka, wuxuu si toos ah ugu xadgudbaa taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta qaranka, waana diblomaasi u dhaqma si ka baxsan xadkiisa.

Waxaa kaloo in la is weydiiyo mudan in ciidamada Imaaraadka tababarayo ay yihiin kuwo uu isagu tababaranayo iyo kuwa uu Sooamaaliya u tababarayo..? Xerada waxaa ka dhex muuqda sawirka madaxweynaha Imaaraadka Carabta,  waxaana meel kasta ka taagan calanka dalka Imaaraadka Carabta, tani waxay sii kordhin kartaa shakiga jira, tiiyoo UAE ay u baahan tahay ciidamo aan dadka ahayd oo magaceeda ku dagaalama.

- Advertisement -

Waxaa la arki doonaan mudada dhow doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya inuu ku kooban yahay taageero walaalnimo iyo inay ka danbeyso dane kale oo qarsoon.

DAAWO SAWIRADA AY KA DHEX MUUQDAAN CALANKA  UAE IYO MADAXWEYNAHA DALKAAS

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON