Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amar la yaab leh soo saaray xilli uu maanta ka qeyb galay dibadbax lagu soo dhaweynayo qabanqaabada Xuska Maalinta la qoray Farta Soomaaliga oo ku beegan 21-ka January, wuxuuna sheegay in Maanta laga bilaabo aan lagu arki karin Magaalada Muqdisho Boorarka ama Tabeeleyaasha iyo Dukaamada ay ku qoran yihiinAfafka Qalaad.
Wuxuu amar ku bixiyay in afsoomaali loo bedelo, wuxuuna yiri: “Ciddii amarkaasi u hogaansami weysa waa lala Xisaabtami doonaa, waxaana laga qaadayaa talaabo ku haboon”.
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR
Goobjooge.com