Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Juba ayaa faahfaahin ka bixiyay is mari waa’ uu ku dhamaaday shirkii Kismaayo, wuxuuna caddeeyay in   Shirarkii wadatashi Qaran ee ka furmay Magaalada Kismaayo uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Xildhibaan Shire waxuu tilmaamay in kulamo gooni gooni ah ay la haayeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ay soo dhammaadeen islamarkaana la isku afgaran waayay nuuca doorasho ee qabsoomi kara Dalka Talooyinkii ay ka soo jeediyeen, waxuuna sababta ku sheegay in mas’uuliyiinta qaarkood ay ku taliyeen nidaamka 4.5 halka kuwa kalena ay soo jeediyeen qaab Degaan in doorashada soo socota loo qabto.
Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan ayuu sheegay inuu ku adkeystay in qaabka 4.5 lagu xulo labada aqal, taasoo keenay in la is mari waayo.
DHAGEYSO