Maxkamadda degmada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta xukun xarig, ganaax iyo masaafuris isugu jira ku ridday saddex qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo ku eedaysnaa inay mad-habta Shiicada ku faafinayeen Somaliland.
Qofka saddexaad ee maxkamadda ay xukunka ku ridday ayaa ahayd qof dumar ah oo Soomaali ah, taas oo ku eedaysneyd inay marag been ah furtay.
Maxamed Raasa Xuseen, Haashim Okeera,  (labada danbe oo maqnaa) waxaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo min 3 milyan oo ganaax ah. Iyadoo uu iibsan karo xariga kadibna laga saarayo Somaliland. Maxamed Cali Saciid ayaa lagu waayay dembigii lagu soo oogay.
Gabar la sheegay inay kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya oo magaceeda lagu sheegay Xafsa in lagu xukumay 6 bilood ama laba milyan lacagta Somaliland ah, iyadoo markaas kadib loo masaafurinayo Soomaaliya.
Xukunkan oo maanta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen qal-qal gelinta caqiidada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland ay aaminsan tahay.
Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), waxa uu sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha oo qaar la xukumay ayaga oo maqan ay qeybiyeen illaa 200 oo buug oo ku turjaman Af-Soomaali, kuwaas oo madhabta Shiicada ka hadlaya.
Isha: VOA