Saturday, April 26, 2025

Puntland oo taageertay Maamulka Ceelbarde laga dhisay ee Bakool sare (War-saxaafadeed)

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada maamulka Puntland oo uu shir gudoominayay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu taageeray maamulka Bakool Sare  ee beesha Ogaadeed ka dhistay Degmada Ceelbarde iyo degaanada Yeed iyo Aato ee Gobolka Bakool.

Kulankaasi ka dib ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in taageero buuxdo u muujinayaan maamulka Koonfur Galbeed.

“Golaha xukuumadda Puntland waxay taageero u muujiyeen maamulka Bakool sare ee ka kooban degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Aato iyo madaxda maamulkaasi, sidoo kale golaha xukuumadda Puntland waxay wax wanaagsan ku tilmaameen in shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay ka tashadaan masiirkooda maadaama ay qadarin iyo mudnaan ka waayeen maamulka jaarka la ah (Koonur Galbeed), lana ixtiraami waayey doorkoodii ay ku lahaayeen deegaankaasi” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Ad

Maamulka Bakool Sare ayaa dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, waxaana maamulkaan la sheegay inuu yimid ka dib markii dadka ku dhaqan deegaadana maamulkaasi ka arrimin doono ay xuquuqdoodii ka waayeen maamulka Koonfur Galbeed.

Puntland

puntald2

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON