Sunday, May 25, 2025

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka dowladda Itoobiya oo lagu dilay Magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarkaal la sheegay inuu ka  tirsanaa Sirdoonka Itoobiya ee ka howlgala magaalada Hargeysa.

Dilka oo aan la sheegin cidda ka danbeysay ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Wasiir Kuxigeenka Amniga Maamulka Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo sheegay in dilka sarkaalka ka tirsanaa Sirdoonka Dowladda Itoobiya loo soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen, welina uu socdo baaritaan.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab iyo ONLF intuba ay dilal ka geysan karaan Magaalada Hargeysa, balse baaris dheer lagu wado dilka Sargaalkaan Itoobiyaanka ah.

Ad

Waa kiiskii ugu horeeyay ee noocan oo kale ah muddooyinkan, waxaana la ogyahay in magaalooyinka Soomaalida ay ka howgalaan sirdoonka Itoobiya.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON