Shirweynihii Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa waxaa galabta si rasmi loo soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 6 Bog.
Shirka oo uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayna taabagelisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, waxaa ka qeyb galay Culimada Soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha dunida, caasimadda Muqdisho, iyo gobollada, waxaana qeybta go’aannada ah ee laga soo saaray ay kala yihiin:
1. Shirweynaha ayaa isla qaatay in Culimada Soomaaliyeed ay si walaaltinimo & isku duubni ah ugu adeegi doonaan diinta & Ummadda, arrimaha la isku khilaafsan yahayna loo xallinayo si cilmi & caddaalad ah.
2. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Alshabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed.
3. Shirweynaha wuxuu isku raacay in aysan bannaaneyn in la faafiyo afkaartooda gurracan ee kooxaha kor ku xusan waana xaaraan in lagu taageero xoog, xoolo ama xog ama cod midna.
4. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mideysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Alshabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay: (طوبى لمن قتلهم وقتلوه)
5. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinteennu na fartay:
(وتعاونو على البر والتقوى ولا تعاونو على الإثم والعدوان وأتقو الله إن الله شديد العقاب)
6. Shirweynaha wuxuu ku isku raacay in qofkii la wadaaga Dawladda xogta Khawaarijta uu ajar uga helayo Alle agtiisa maadaama uu ka qeybqaatay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
7. Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah.
8. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka ambaqaadaya in diintu ay tahay arrin si isku mid ah u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu caddeynayaa in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka isla markaasna waxaan isku raacnay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta.
9. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed oo noqonaya weelkii lagu ilaalin lahaa diinta isla markaasna ka mid noqonaya Goleyaasha Dawladda una madaxbannaan gudashada waajibaadka iyo hawlaha loo igmaday.
10. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqay in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacab sunni ah marka laga reebo kooxaha khawaarijta ah iyo kuwa la midka ah (Alshabaab, Daacish, Shiico, iyo kuwa Ummadda si guud u gaaleysiiya) kuwaas oo aan la oggoleyn in fikirkooda lagu faafiyo gayiga Soomaaliyeed.
11. Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonaya mad-habka Shaaficiga kaas oo Culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo madaahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado.
12. Shirweynaha, isaga oo ka duulaya in Ummadda Soomaaliyeed ay af, dhaqan, diinba ka mideysan yihiin, ayuu xoojinayaa in Islaamka ay Ummadda Soomaaliyeed ku dhaqanto uu mid yahay iyada oo magacyada kala duwan yahay ee Culimadu isku aqoonsadaan ay yihiin sida magacyada uu waalidku ula baxo ilmihiisa isla markaasna wixii lagu kala aragti duwan yahay la isku ixtiraamayo loogana doodi karo si cilmiyeysan oo aan midnimada waxba u dhibeynin.
13. Shirweynaha, isaga oo dareensan in dawlad-dhiska Dalka uu ragaadiyay khilaaf siyaasadeed, ayuu Madaxweynaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeynayaa in uu xil gaar iska saaro dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo dib-u-eegistiisu ay qaadatay muddo aad u dheer maadaama xasiloonnida siyaasadeedee Dalka ay ku xiran tahay dastuur dhammeystiran.
14. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Culimada Soomaaliyeed ay sannad kasta yeeshaan shir sannadeed looga arrinsanayo arrimaha diinta ee Dalka.
