Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha safiirnimo ka guddoomey safiirada dalalka Thailand iyo Finland u soo magacaabeen Soomaaliya Mr. Prasittiporn Wetprasit iyo Tarja Orvokki Fernandez oo waraaqahooda aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya.
Mr Wetprasit, ayaa noqonayaa danjirihii ugu horeeyay ee ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku af-garteen inay ka wada shaqeyaann mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dalka Thailand ayaan horey ugu lahayn wax safaarad ah Soomaaliya tan iyo sanadkii 1960. Thailand ayaa ka mid ah dalalka ay doonyaha badan oo kaluumeysi ugu jiraan badaha Soomaaliya kuwaas oo shatiyo sharci darro ah ka hela siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaana la aaminsan yahay in shaqada ugu badan ee safiirka Kenya ee loogu daray shaqada Soomaaliya ay noqoneyso arrimaha Kaluumeysiga sharci darada ku dhisan.

Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB.
Dalal badan oo Soomaaliya safiiro u soo direy ayaa sidaan oo kale u soo magaaceby safiiro dalal kale u fadhiya, gaar ahaan kuwa u fadhiya Kenya.
Goobjooge.com