Sunday, May 25, 2025

Daawo: Safaaradii Soomaaliya ee Washington oo 25 sano kadib dib loo furay

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa dib loo furay kadib muddo 25-sano ah oo ay howlgab ahayd, iyadoo laga taagay Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabada dib u furista Safaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay Diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Mareykanka, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Jaamacadda Carabta, Jaaliyadda Soomaaliyda, Mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye, Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Xubnihii ka qeyb galay Munaasabada ayaa si wada jir ah uga qeyb qaatay calanka safaaradda oo laga taagay dibadda safaaradda, waxaana ay soo dhoweeyeen in mar kale Soomaaliya ay ka soo muuqato maqaamkii ay ku laheyd Caalamka.

Ad

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dib u soo kabaneyso, isla markaana ay is bedelo ka jiraan, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu si rasmi u aqoonsaday Soomaaliya, iyadoo soo dhoweysay dib u furista safaarada Washington.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya C/salaan Hadliye Omar ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Soomaaliya dib u furista Safaarada Washington, maadaama ay tahay caasimadda Adduunka, waxaana uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in Calanka Soomaaliya uu ka babanayo Safaaradooda Washington DC.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa wixii hada ka bilowday si toos ah u shaqeyn doonta, waxaana soo dhoweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka oo ku tilmaamay dib u furista Safaaradda mid taariikhi ah

- Advertisement -

 DAAWO SAWIRADDA:

safaarada-washington-1safaarada-washington-8

safaarada-washington-7

safaarada-washington-6

- Advertisement -

safaarada-washington-5

safaarada-washington-3

safaarada-washington-2

safaarada-washington (1)
safaarada-washington (4)

safaarada-washington (9)

safaarada-washington (10)

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON