Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegayaan in weerar Bam Gacmeed ah lagu qaaday Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey.
Weerarka oo ka dhacay Guriga Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/Hoose ee Afgooye ayaa la sheegay inuu ku dhintay Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey” markii uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa bamka oo lala haleeyay xilli uu gurigiisa ku sugnaa.
Guddoomiye ku xigeenka Cumar Carrabey ayaa la sheegay inuu fadhigiisu ahaa degmada Afgooye oo uu in muddo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada,
Alshabaab ayaa la sheegay inay ka dambeysay weerarka Bam ee lagu qaaday mas’uulkaasi ka tirsan maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.