In ka badan 100 dal oo xubno ka ah Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ballan qaaday inay bixinayaan lacag gaareysa $334 milyan si looga fududeeto Deynta lagu leeyahay Soomaaliya.
Hay’adda IMF ayaa shaacisay in Ballanqaadkan uu Soomaaliya u ogolaanayo inay hesho dhaqaale cusub iyo deyn lagu caawiyo dalka. Maalgelinta Soomaaliya loo yaboohay ayaa Soomaaliya ka dhigeysa inay u dhowaato in loo ansixiyo deyn cafis kama dambeys ah, iyadoo markaas kadib Soomaaliya loo ogolan doono maalgelin iyo mashaariic cusub oo lag yareynayo saboolnimada.
Dhowaan ayey ahayd markii Hay’adaha IMF iyo Bakiga Adduunka ay shaaciyeen inay Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo deynta, waxaana guddoomiyaha IMF Kristalina Georgieva ay rajo weyn ka muujisay inay dariiqa ay Soomaaliya ku socoto ee deyn cafinta.
“Tani waxay si cad u muujineysa in xubnaha IMF ay garowsan yihiin ballan-qaadyada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliaydeed, inkasta oo ay jiraan caqabado badan,” ayey tiri guddoomiyaha IMF.
Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaareysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida.
Si ay ugu guuleysato ansixinta rasmiga ah, Soomaaliya waa inay sii waddaa in ay muujiso hanaan maaliyadeed lagu qanci karo, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka IMF ay dusha kala socoto. Go’aanka kama dambeysta ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in IMF ay gaarto bisha March dabayaaqadeeda.