Saturday, October 12, 2024

10 Sano Shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin Waddooyinka la xirayo (Qormo)

-

- Advertisement -

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

- Advertisement -

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.

W/Q: Xildhibaan iyo musharax hore oo Madaxweyne
C/raxman C/shakuur Warsame

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxda Dalalka Somaliya, Masar iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara iyo Isbaheysi cusub..

Madaxda dalalka Soomaaliya, Masa iyo Eritrea ayaa maanta ku shirsan magaalada Asmara, iyadoo halkaas ku sameysnaaya isbaheysi cusub oo saddexdooda dal ka dhaxeeya.Madaxweynaha Soomaaliya...

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

Shirkii Madasha Qaran oo Fashil ku dhammaaday iyo Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo

Shirkii Golaha Madasha Qaran ee Wadatashiga ayaa fashil kusoo idladay, kadib markii uu ka baxay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).Axmed Madoobe oo...

Duqeyn ka dhacday Galgaduud oo lagu laayey Maleeshiyo fara badan oo ka tirsan AlShabaab

War au soo saartay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Shabaab badan lagu laayey hawlgalo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka...

Dalalka Mareykanka, Ingiriiska Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar oo Qaranimada Somaliya

Shirkii dalalka Shan-Geesoodka ee dalalka saameynta ku leh Soomalaiya ayaa 1-dii Oktoobar ee Bishan ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.Shirkan ayaa ahaa kii...

Iiraan oo Boqolaal Gantaal ku weerartay Magaalooyinka Israa’iil iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Ciidamada ilaalada kacaanka dalka Iiraan ayaa Caawa boqolaal Gantaalaha Balaastikada ah ku weeraray magaalooyinka Yuhuuddu, iyadoo sheegtay in loogu aargudayo Madixii siyasadda Xamaas Ismaaciil...

Hay’adda NISA oo Muqdisho ku Qabatay Koox ka kooban 5 qof, Hub iyo Qaraxyo

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay Gacanta ku dhigtay koox ka kooban 5 xubnoodoo ku howlanaa falal amni darro...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you